Tiger
|
Maahmaaho
1. Afar waa afar:
Noloshu waa Niyad
Naftu waa qaali
Nacaybku waa olol
Nabsigu waa qaraar (Waa maahmaah cusub, waxaana laga hayaa gabar
Soomaaliyeed oo da' yar, Ubax C Hussein, 1996)
2. God hadimo ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogid
3. Bidaari sibiq bay kugu gashaa
4. Waa baahan tahay bakhtiga looma cuno
5. Dani waa seeto
6. Hunnu hunnu hadal ma�aha, himbiriirsi arag ma aha
7. Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay
8. Madax meel ka sarraysa oo la taabtaa ma jirto
9. Sidee xeero lagu xagtaa ilkana ku nabad galaan
10. Xarrago dumar xanuun ma leh
11. Allow aqoon xumo hannagu dilin eexona hannooga tegin
12. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar
13. Mar i dage alla ha dago, mar labaadse anays dagay
13. Haani guntay ka tollantaa
14. Intaadan falin ka fiirso
15. Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe
16. Hadday degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana kiish lacageey dhalaan
17. Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto
18. Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe
19. Lugtii jeeni dhaaftaa way jabtaa
20. Ciirtaa dhamaa, ceebtaa haya
20. Oodi Ab ka dhow
21. Beer wax jecel waa baasta miir
21. Wan weyn illaa la gowraco indhihiisu cirka ma arkaan
22. Fallaartii cirka loo ganay cid kastoy filo
23. Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay
24. Kibir waa lagu kufaa
25. Nin is faanshey wa ri^ is nuugtay
25. Nin dhintayba wax buu damacsanaa
26. Beeni raad ma leh
27. Daacadi ma hungowdo
28. Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dillaacaa
29. Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa
30. Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado
31. Been waa lagu dhergaa, lagumase rakaatto
31. Nin daad qaaday xunbo cuskey
Gar dabadeed guu-guu, baan nacay
Nin gar ka duday boor badnaa
32. Arrad waa dan uskagse waa doqonniino
33. Ayax teg eedna reeb
34. Nin kuu digay kuma dilin
35. Cid wax kusiisa wax badan baad aragtaa, cid kla talisase wax yar
adowgaaga Caano mac baa lasiiyaa
36. Gaal dil gartiisana sii
37. Af wax cunay xishoo
38. Farsamo xumo, futada cankeeday ku goysaa
39. Milil hoostii lama dhayo, haddii la dhayana qudhun baa looga dhacaa
40. Wax la qarashaa ama qudhme ama qubte
41. Reer ba'ow yaa ku leh!
42. Far iyo meel bugtaa is og.
43. Far keliya Fool ma dhaqdo.
44. Far bugtaa, Faro ka dheer.
45. Ishiisa laga gartaa, Ushiisa lagu tumaa.
46. Naakiro intey ku nabto ayay nebi kaaga hormartaa.
47. Xiiso iyo xoorba way dhacaan.
48. Muruqa laba suulle ninba si ku ah.
48. Ceebi waa shan maalmood iyo sheeg-sheeg
49. Illeyn doqoni diif kama kacdee daamankey meer meerisaa.
50. Hunguri weyni kuunto weyni baa laga qaadaa
51. Rag la'aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha.
52. Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa (koonfur)
53. Oodi siday u kala sarreeysaa loo kala guraa ( woqooyi)
54. Laba qaawan isma qaaddo
55. Deriskaa dagaalkaaga rabaa, dooradaada ceshaas ku dhahaa
56. Wadiiqada yari waddiqada weyn bay kugu riddaa
57. Nimaad dhashay kuma dhalin
58. Sir naagood lagama sal gaaro
59. Shir naagood oo shan dhaafay waa shar
60. Luuq luuq marow laasim laamigaas kusoo dhacaa
61. Misbax minankaga u mugdi ah, minan dadow ma loogu nureyo????
62. Gacantii oodan goyn karin, waa la shumiyaa?
62. Lafo geri iyagaa laysku jebshaa
63. Dammeeraley Dad la xeer maaha.
64. Bannaankaba arkaayow maxaa babac ku saaraaya
65. Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday
66. Intii orod jirey, kuftinna way jirtey.
67. Carruuri kor cabsooday leedahaye, kal cabsooda ma leh
68. Soo joogso laga waayaa, soo jiifso laga helaa.
69. Cimrigaaga dheeraaday, Geel dhalaayaas ku tusaa.
70. La jiifiyaana bannaan, La joojiyaana bannaan.
71. Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma fayoobaato.
72. Gees lo'aad Kuleylkaa lagu gooyaa.
73. Ma sugto, Meher ma leh.
74. Af Daboolan, Dahab waaye.
75. Jinni, Ninkii keenaa bixiya.
76. Nin weyni wedkii waa yaqaan
77. Nin waalan, walaalkiisaa u miyir qabaa
78. Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi
79. Rag waa shaah dumarna waa sheeko
80. Nimaad fadhiga kaga adagtahay looma sara kaco
81. Gabadh nin dhali karaa dhiqi kara
82. Dumar yaryaraysi male
83. Buurta Saw iyo Sogsogley iyo Samow Boorame
84. Xalaafo waa Xoogii Xirsi Muude
85. Xornimo adaa ku noole,iyadu kuguma noola
86. Bilaysini Bir ka adag
87. Jacayl Biri ma goyso Biyana kaama maydhaan"
88. Nimay meeli buktaa isagay balbashaa
89. Doqoneey dabkaa ba�
90. Nin wayn tag lama yidhaahe wuxuu ku tagaa la tusaa
91. Kitaab gurigiisii loo diiday, sayax allaa baday
92. Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah
93. Hal waliba halkay ku dhashay ku nuujisaa
94. Dukulush timir deeri waayi Kharaaraa tuf in erre??
95.Dhalaan dheelaa baradi, dhusuntaa far koo galiyee??
96.Dheerow ii gaabow yaa jaree, dhuubow ma jaro
= Dheere iyo gabane un baa jiree, Dhuubane majiro
97.Naar hooba galaaso bartaa ey la aragneey, tiimbooy (Naar si fiican
baa loo galaa, hadii kale banaankaa laga joogaa)
98.Aduun wey ki amoodeey ugaaw???
99.Gumur uraasa, weyne gurudee (gumur wey urtaa waana lagurtaa)????
100.Mugdi, arlaada geed ii goduh???
101.Hamba soor ma eh
102.Heeraa wan ma eh??
103.Dudun dareen ii dugsashu inis ki dartooy?
104.Daleel marow maradiis geed ma daarow
104. Naar hooba galaaso bartaa ey la aragneey tiimboo"
= Kolley haddaad naar gelayso, salkaa ugu hooseeya ayaa loo fadhiistaa
si aan laguuba arag
105.Mas ii dooro daris ma nagadi koraan?
106.Madheyti ii Moora gaabey lan maal qaboo dagee?
107.Harag sagaaro iiga kac ma ahee iiga durug ma leh.
108.Dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa
109.Ninkii dhimanaayaa dheg baa dheer
110. Fardo la isugu joogo la isuguma faano
111. Hadal haan ma buuxso
112. qof ani yiri dad iska saar
113. Dab aan ku gubin kulaylkiisa ma ogid
114. Haddii fooli timaado, guda-qarsi dhammaa
115. Wax madaxa kuugu jiraey ayuu afku kaa xadaa
116. Waxaa isugu dhow carrab iyo laba daan, iyana way is qaniinaan
117. Naariba naarta kale ayey ka cawdsataa
118. Warjiraa Cakaaruu iman
119. Qof kastaa wuxuu qabo qardhuu la iman doonaa
120. Qof kasta qummanihiisaa qoorta ugu jira
121. Ijiid aan ku jiido waa jeenyo daalis
122. Hubsiimo kalbaa la siist
123. Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax
yeelaan
124 War la qabaa xiisa ma leh
125 Duqsi, caanuu ku dabaal bartaa fuudbuuse ku gubtaa.
126 Manjo dhooqo leh, kuwo dhaqanaa ka roon.
127 Manjo dhooqo leh, marba mid baa la siibaa.
128 Waraf iyo shimbiro war isuma hayaan
129 Guur marka hore waa sino dhuuban yahay, marka dambena
waa sino ballaaran yahay.
130 Waxaad dhuuso moodaysaa, xaar kugu noqda.
131 Ninna caadadiis ma daayo, bahalna ceedhin ma daayo.
132 Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa, iyana hufkiyo haadiskay
barataa.
133 Carruurta mulaca cayaar cayaar bay u dishaa, isagana waa u qur gooyo
134 Libaax nimaan aqoonbaa lax ka rita.
135 Laxiba shilalkay is dhigtaa lagu qalaa.
136 Gus ma adkee wax ka jilicsan buu helay.
137 Raad arrooryo dib looma raaco.
138 Runi rag kama nixiso
139 Geel darreeray nin ka dayrshay ma awliya Allaa
140 Geeljire, geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa
141 Saddex looma adkeysto: Gaajo guri og, gardarro garab og,
iyo cudur geeri og.
142 Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye, iyo
ma haasawshe.
143 Saddex lama arag: Marti nin ka yar, muddo maalin ka yar,
144 Shisheeye sheela duxa ma leh.
145 Ood qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn
146 Waxaanad filanany iyo fallaariba way kaa fajiciyaan
147 Doqoni saaf carro loogu riday, sad bursiinyo ma mooddo
148 Libaax deeqi ka gurxamisay
149 Adduun i khatal.
150 Meelaad madaxeeda tahay, manjo lama noqdo.
151 Xoolo quudheed waa la qaataa, soor quudheedse lama qaato.
152 Libaax intay bulbushu ku taal, bahal ma cuno.
153 Waxaan kashaada gelin, korkaaga yay dhaamin.
154 Ishaaduna waa kula fil, dhegtaaduna way kaa weyntahay
155 Waayeel lama soocee nin wax yaqaan baa la soocaa
156 Hasha naasa adag iyo weedha (hadalka) maxaa kulmiyey
157 Bartii yaqaan, bari uma korodho.
158 Nin kaa dheer wax looma tilmaamo.
159 Wax yaqaan wax looma sheego.
160 Ninba gurigii gaaddo ku leh
161 Harag libaax haadi kuma degto
162 Isma'og aqalkii bay aslaysaa.
163 Nin wax yaqaan daaqsin geel baa wax loo mariyaa, ninaan wax
aqoonna qaanso qurqurkeed.
164 Dadqal looma gurguurto.
165 Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalena kuuma
geyso
166 Shir looma wada uunsiyo
167 Hal basalaa basalo badan qurmisa
168 Caano baqay haddaad aragto, waa bi'iso naagood.
169 Gobanimo waa joome.
170 Xadhko geel ma wada xidhaan.
171 Ninkii uurka dabana Illaah baa arka, ninkii isha dabana
Aadmibaa arka.
172 Farsamo futada cankeeday ku goysaa
173 Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo.
174 Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday.
175 Safar waa si wada yeel.
176 Naaso kor u jeeda nin arkaa, kuwo hoos u jeeda ma eego.
177 Calafkaa, nin ku rabaa baa haya.
178 Dameeraha Awdal ninkii ooda ka rogaa arroorsha
179 Waxaan calaf ahayna lama cuno, waxaan hed ahayna looma
dhinto.
180 Kal caano galeen, xirgi ma gelin
181 Midho geed saaran, kuwo guntiga ku jira looma qubo.
182 Ceebtaaday kow ogtahay, kun looma sheego.
183 Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga.
184 Inta Jiillaal loo adkaysto, jir looma adkeysto
185 Dawaco meeshay macal idood ku baratay, macaluul ugu
bakhtidaa
186 Nin Xamar jooga oon baabuur lahayn waa nin Nugaal jooga oon
hal lahayn.
187 Dukhsi dantiisuu dumurka ugu jiraa.
188 Isu qabe aan loo qabin.
189 Isla weyn, dooro weyn.
190 Sahaydaa waa hor, socodkaana waa dib.
191 Tol la'aani waa tows.
192 Gabadhi waa meel xun joog.
193 Waari mayside war hakaa hadho.
194 Calool adayg waa Alle wehelkiis.
195 Geelow geed walba cuntaye, markaad Ciin daaqdaa laguu
yaabaa.
196 Dameeri isku hallayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa.
197 Nin dameero dabadood ka degay meel uga toosan buu waayey.
198 Tolkaaga iyo xaaskaaga midna looma xoog weynaado.
199 Walaalkaa dhuux tagoogaa loogu soo subkadaa
200 Doqontu xeerna ma hoyso, xoolana ma hoyso.
201 Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa.
202 Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii kugu caydaa.
203 Nin dhintay kabihiisaa ka roon
204 Nin samraa, samo hela.
205 Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga.
206 Geeri nimaan aqoon iyo geel jiray ku wanaagsantahay
207 Ma ciil sokeeyaa ku haya, mise ciddi hoosteedaa lagaa hayaa.
208 Been fakatay runi ma gaadho.
209 Biyo sacabbadaadaa looga dhergaa
210 Qufac iyo uur midna ma qarsoomo.
211 Hadal iyo hablaba duco la'aan bay tarmaan.
213 Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa.
214 Layligu kasha biyihiisa ku jiruu ka didaa.
215 Baddu waa isku dhadhan
216 Kitaab meelaan lagu fasirayn laguma furfuro.
217 Caano Jiilaal canba canbid.
218 Biyo meel godan bay isugu tagaan.
219 Nimaan dhul marin dhaayo la'.
220 Dal aqoon la'aan waa la habaabaa, dad aqoon la'aana waa la qadaa.
221 Baareey guur, oo sixnigaagana la guur.
222 Kitaab gurigiisii loo diiday, sayax Illaah baa baday.
223 Tuhun waa sed.
224 Sagaaro laba tun oo la kala qaado ma leh.
225 Sagaaro inteeda waa ku duq.
226 Qosol hiil leh.
227 Midiidin la'aan waa la midgoobaa.
228 Nimaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eegaa.
229 Xoolo lama cunee dadkoodaa la cunaa.
240 Gardarro looma garbo yeelo.
241 Nin casarkii isa sheegay, cishihii ceebi ma qabato.
242 Martidu marka hore reerkaa ka naxa marka dambena iyadaa kala naxda.
243 Haddaan sacabka xeeli ku jiran, maxaa habeenkii loo tumaa?
244 Nin durbaan tuntay ilaaq dalbay.
245 Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay.
246 Ceel dad liqa, ul baa lagu dayaa.
247 Nin ku necebi xantaa og, nin ku jeclina xogtaa og.
248 Xog mooge xaajo waa dilaa.
249 Ceesaan ninkii weydiinteeda kugu dhibaa wadisteedaa lagu dhibaa.
250 Adhi magantii ma barriiyo.
251 Sodcaal maa moodhar, sahayna waa lacag, saaxiibna waa kaba cad.
252 Hangaraarac lug keliya uma dhutiyo.
253 Hal libaax arkaysaa ma godlato.
254 Nin xil qaaday eed qaad.
255 Ninkii talin jiray hadduu tago, midaan talin jirin baa yimaada.
256 Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay.
257 Carraabo, fadhaa quusiyey
258 Loogow laguu minan fadhiyee.
259 Hadal nin badiyeyna ma wada odhan, nin yarreeyeyna kama wad tegin.
260 Hadal yar iyo hawl badan.
261 Af-ka nool abooto mudac.
262 Nin keligii garramay, iyo nin dhul gannay midna ma gefo.
263 Erray nimaan dhaafin odday ma dhalin.
264 Qosol qoonsimaad noqay.
265 Waari mayside war hakaa haro
267 Dab munaafaq shiday baa duul dhan guba
268A Rag jidiin baa walaaleeya.
268B Rag-waa sinnaayeen haween baase is dhaafshey
269 Tolkaa ama u talisay, ama tuugtay.
270 Ra saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon
jilicsan.
271 Rag wuxuu kugu bartuu kugu dilaa.
272 Haliba wiilkay korisaa, wedkeeda leh.
273 Ninkaad adhi weydiisanayso, geel weydii.
274 Dibi, bay waw dhutiyaa.
275 Dibi hooyo xumi, hore ma noqdo.
276 Naagi nimay legdaan, kama kacaan.
277 Tol yarraaday, tafo naagood baa laga dayaa.
278 Inta gaari la doon-doonayo, ayaa goombaar wiilkeedu ciidamiyaa.
279 Ninba kaskiisuu kor tagaa.
280. Godintu geed ma goyso haddaan geed kale ku goynayn
281. Dantu ceebba ma lahee dadkuun baysku nacaya
282. Ninkii geed fuulay asigi lee kasoo degi
283. Gari laba nin kama wada qosliso
284. Gari ilaahay bay taqaan
285. Arrin xumo abaar ka daran
286. Nin aad kabtiisa tolaysaa, kadabkaaga jaraya
287. Dhagax tuujin iyo taabasho waa isugu mid
288. Dix dhaaxood dhagax ka waa, hayeesa hangool ka waa
289. Xoorkii laga dhamay xagaagii iyo xusuus baa geel lagu xer geeyaa
290. Mira daray duuduubkaa lagu liqaa
291. Nin aan kuu furayni yuu kuu rarin
292. Wadaad jiilaal injir lagama qabto
293. Mukulaal minankeedii joogtaa miciya aar bay leedahay
294. Wadar iyo waaxid yaa waalan
295. Naxariis eebbe lagama quusto
296. Alla aamin ma iisho
297. Doqoni calaf ma leh
298. Doqon nebi Muusaa habaaray
299. Qofba untuu cunuu ciidamiyaa
300. Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, hadalna meel dheer
301. Hadal waa mergi hadba meel u jiidma
302. Naago been baa lagu soo xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa
304. Carruurey cayntaa ba�day
305. Ceeb looma dhinto, cara lalama qarxo, cayna looma dhaawacmo
306. Nin sigtay ma nabad gelin
307. Wadaad waa nin
308. Naf wax jecel allaa dhibay
309. Biya sar tegey waa la sugayaa
310. Nin la sugayoow adna yaad sugin
311. Meel hoo u baahan hadal wax kama taro
312. Dantaada derin karkaranna waa loogu seexdaa
313. Nin aan hadlin habartiisba qadisay
314. Haddaad hungurootto waa la hadlaa, hab baa la dhisaa wax lagu helo
315. Faruurow maxaa berbera ku geeyey? Dee faduul!
316. Dani waa seeto
317. Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo
318. Salaadba waqtigeedaa la tukadaa
319. Hadal intaadan buu ammaan yahay
320. Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa
321. Abuur iyo waano abuur baa horreysey
322. Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan
323. Nimaan dhididin ma dhergo
324. Habar fadhida legdini wax uga fudud
325. Habar caalweydey aleelo ku waalatay
326. Habar caal weydey durey bay hafartaa
327. Nacasnimo ninkeedii dishey
328. Dhillo, intaadan dhillo oran bay dhillo ku tiraahdaa
329. Maantana far baa maydh la�eey hay fadhiyo geeli
330. Fallaadhi gilgilasho kaagama hadho
331. kuftin jillib iyo habaar waalid midina sahal kuma hadho
332. Dhedo roob noqon weydey
333. Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa
334. Miro gunta ku jira miro geed saaran looma daadsho..
335. Geel soddon qaday, saddex kuma dari waayo
336. Sagaaro laba cad oo la kal qaado ma leh
337. Wax aad baratay waa baaskaa
338. Af jabtay sideedii ma noqoto.
339. Marba sidaad u jabtaa loo dhutiyaa.
340. Sagaaro intay tub joogto bay tub kale dayataa
341. Baqal fardo la miratay, fardihii bay is moodaa
341. Dantaadana, maqaar eybaa loogu seexdaa
342. Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan
aayee wiil isii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo isii; iyo
Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee.
343. Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis,
carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis.
344. Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa.
345. Nin shir ka duday, siigo(bus) yaraa.
346. Saddex baa la yidhi: Lixdan jir lexojeclo ha la wadaagin;
afartan jir ha la garrimin; labaatan jirna ha la legdemin.
347. Naago waa u samir ama ka simir.
348. Laba layskuma daro, bidaar iyo timo, baryo iyo ad-adayg.
349. Naago waa belo loo baahan yahay.
350. Wax la dhalay iyo dhul baa loo marti yahay.
351. Maroodi takarta saaran ma arkee, ta kale saaran buu arkaa.
352. Nin kuu digay kuma dilin.
353. Gudini geed ma goyseen, haddaan geed kale ku goyn.
354. Gurbaan Garabkaaga ha kuugu jiro ama gacalkaa hakuu hayo.
356. Kaadi badane waa loo gogol badiyaa
357. Doofaarka ficil la'aan baa loo cadaabaa
358. Gar dabadeed, guu-guu (gunuunuc) baan nacay
359. Shubaali waa biyo la bax.
360. Geed joog gartii waa yaqaan, laga dhimayna dhaxalkii waa yaqaan.
361. Ma waxaad yeeshaa, wax naftaada u fiican oo wiilkaaga u xun, mise wax
naftaada u xun oo wiilkaaga u fiican. (Car garo).
362. Geel carruuri qaaday ma foga.
363. Kaftan iyo kaadi baa laysku cadaaba.
364. Kelyo nimaan lahyn bay kaadiyi dishaa.
365. Ciyi waa ka beryey.
366. Hilib beer laga dooray waa weyd.
367. Hadal iyo hilbaba kala qalan.
368. Uur mudane iyo uur Berde, midna lama baadho.
369. Geeli waa geel, wixii gooyaana waa geel.
370. Nimaad kabahiisa tolayso, baa kafantaada tolaya.
372. Dan layskuma naco.
373. Dan iyo xarrago is weyday.
375. Dheriga karkaa maxaa ka keenay, kulayl weeye.
376. Dantii mooge, maro duuga ka liitee.
377. Soori waa in xil lagaga tago iyo in xarrago lagaga tago.
378. Nin maalin ma gaadhid, nina sanad ma gaadhid, nina weligaaba ma
gaadhid.
379. Gudineey ima goyseen, haddaan badhkay kugu jirin.
380. Waxay sheegatayba ha weydee, waa lagu shareerraa.
381. Habar roob hayo, ta kalena inuu hayey modaa.
382. Colka wadhaf ma lagu dayey.
383. Canbe laf baa ku jirta.
384. Mindidii qooqdaa dib bay u qaddaa
385. Reerka meelan loo husan looma haatiyo.
386. Shan shidda ma macaysaa.
387. Abgaal calool la deguu leeyahay, ee cidhif la dego ma leh.
388. Af waa kane, maxaa lagu aamaa
389. Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa.
390. Gurbaan gerabkaa ha kuugu jiro, ama gacalkaa hakuu haayo.
391. Ammaan lama dhu-dhumiyo.
392. Ma taagtaa baad guurtaa, mise taako-taako.
393. Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa.
394. Ma nimaan wax aqoon baad wax la qaybsataa, mise baddaasaad
dhurtaa.
395. Habeen ciidan maaha
396. Cidlo ciirsi ma leh.
397. Cadawgaa looma taahee, tun ku adkay.
398. Hawiye ceeb kama baqee, caydhbuu ka baqaa.
399. Gacantaadu hadday dhudhub gasho, lagama dhuftee waa laga
dhirindhiriyaa.
400. Saddex: Warsangeli ninkay xamanayaan dila, Majeerteen ninkay ku
urursanyahay dila, Dhulbahantana uguba tegi maysaan.
401. Mareexaan waxaad u tahay waa yaqaan, wuxuu kuu yahayse ma yaqaan.
402. Arab iyo waraabeba talo xumaa laga nool yahay.
403. Habar Jeclo, hadalka dib bay u gocotaa.
404. Dawaco geel ma cunto.
405. Hadday tubaako, faa'iido leedahay Habargidir baa liqi lahayd.
406. Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
407. Aadme la aragyaaba, dhib la arag.
408. Dhulbahante waa dhoohan yahay.
409. Deero waa dal maddays.
410. Sagaaro, mindhaa ima barato.
411. Haddii lagu sheego waa lays sheelaa, haddii lagu sheelana waa lays
sheegaa.
412. Futo iyo dhul isma huraan.
413. Bisayl iyo ceedhiin waxa u dhexeeya waa yac-yacood.
414. War la helaaba, talo la hel
415. Reer, naagbaa kaa raacda.
416. Naftu waxay ogtahay ilaashataa.
417. Doqoniino waa shil.
418. Fule hooyadii ma goblanto.
419. Maxay ka nuugtaa ama ku nuugtaa, bushmo iyo naaso midna maleh.
420. Gorgor haadda ka weyn.
421. Dameer dhaan raac.
422. Dameeraha tan ugu yar baa ugu biqlo badan.
423. Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la jebiyaa.
424. Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara.
425. Shan nin oo shidho qayb leh, hal shanshaa ka baxda, shan ninnaan
shidho qayb lahayna, shan shanshaa ka baxda.
426. Faras aanad lahayni, futadaaduu wax yeelaa.
427. Fule wax ka qoryo badan.
428. Geesi, Alle ma xidho.
429. Hashu ragaadka, maysku eryeysaa, mise wayska bixinaysaa.
430. Reer guura raac iyo carruurba loo kala sheekeeyaa, is mase arkaan.
431. Wanaag waxba kaama dhimee, xumaan u diyaar garow
431. Dhicisku inta birta loo soo siduu bakhtiyaa.
432. Heesta geelu waa kala horreysaa.
433. Wadaantii geeleeda kaafida, baa mid kalena kaalmeysa.
434. Haani guntay ka tolantaa.
435. Wadaanta isha ka xumaataa, faylkay la tagtaa.
436. Aan wada hadalno waa aan heshiinno
437. Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta.
438. Nin jiifa lama legdo.
439. Ul jiiftaa ma jabto.
440. Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan.
441. Waraabe ulla lala gaadhi waa, orodna wax lagaga dhibi waa.
442. Baryo iyo is daluuc layskuma daro.
443. Hawli jid caddeysay.
444. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
445. Ninkii belaayadaada raba, bawdkaagu qori ka jabsadaa.
446. Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan.
447. Tuug lama xado.ama tuug tuug kale ma xado
448. Shiikh markiis yimaado, shariifku, shubaakaduu ka baxaa.
449. Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naag xun,
iyo hoyga xun; haddana saddexdaas uun baa wer-werka kaa bi�ya.
450. Fardaha dheereeyaa pooloogay isku arkaan.
451. Haddaad nabad doonaysid dagaal u diyar garow
452. In habari gasho, hali ma qaado.
452. Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyni, midna siday wax u
ogyihiin uma sheegaan.
453. Geed walba in gubtaa, waa hoos taal.
454. Dhidar xabaallo qoda, qudhun buu uga dhacaa.
455. Xabaallo waalid baa xoolo lagala baxaa.
456. Godintu geed ma goyso haddaan geed kale ku goynayn
457. Baddu waa isku dhadhan.
458. Waayeel Hadalka Waa loo Saraa ee Looma Saafo
459. Canaan ka yaab reer ma doojo
460. Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari
461. Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan
462. Hal baan geela cuntoo cabaadda
463. Gacal kala maqnaa iyo geelu waysu ololaan
464. Hal libaax arkaysaa mana godlato, mana gaagaxdo
465. Caana daatay qabasho ma leh
466. Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay.
467. Inaad saamo jiiddid iyo sanqar-tirasho kala daa
468. Godintu geed ma goyso haddaan geed kale ku goynayn
469. Baddu waa isku dhadhan.
470. Waayeel Hadalka Waa loo Saraa ee Looma Saafo
471. Canaan ka yaab reer ma doojo
472. Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari
473. Aan wada hadalno waa aan heshiinno
474. Wanaag waxba kuma yeelee, xumaan u diyaar garow
475. Haddaad nabad rabti, colaad diyaar u ahow
476. Gar-darraa ma guuleysto
477. Faanoole fari kama qodna
478. Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo Kurug ,Kurug ma
Dhaafeeyso......
479. Nimaan/nagaan shaqeysan shaah waa ka xaaraan
480. Alle watow wehel uma baahna
481.Naagi nimay taqaan nin ma mooddo
482. Shir naagood oo shan dhaafay waa shar
483. Nin wax dhalay aalan
484. Qofna xaarkii uma uro
485. Seeddi waa beer
486. Xumbo iyo xiisaba in yar bey jiraan
487. Maroodigu takarta isag saaran ma arkee tan kuwa kale saaran buu arkaa
488. Meeshaad ku qodid baa laysku qallajiyaa
489. Dooro qoor qabasho biyo kuma cabto
490. Musqul nin galay muraad buu leeyahay
491. Nin soori kaa qadday waa nin seefi kaa qaadday
492. Af daboolan dahab
493. Is dhexgalka badan wuxuu dhumiyaa ixtiraamka
494. Qof kastaa siduu kugulisaa loogu hambeeyaa
495. Gacmo is dhaafaa galladi ku jirtaa
496. Dacawo duul-duul badan af libaaxeey dalaq dhahdaa
497. Nin abeeso koriyey isaga u aayi
498. Nin dhalasho huwan dhar uma baahna
499. Beec-mushtar bilowgiis bur iyo bajiye waaye
500. Dhib lagula qabo dhib ma eh
501. Afkii dab yiri ma guban
502. Wed loo file weliba nool
503. Col iyo nabad mid baa caynka lagu xejiyaa
504. Jacalka duqoobo weligii ma daxalaysto
505. Raggu magaca guud iyo maktey ka siman yihiin
506. Lo' nin dhaqan yaqaan alle ma siiyo
507. I dhalow i dhaahiri kii i dhalay ma moogi
508. Ninna intuu kuu jiro kuuma soo dhaafo
509. Caasigaa iridkaaga ma mooga, baarri dadow dad kuuma noqdo
510. Ninna meheraddiis ma huro
511. Waxa aadan huraey horaa loo yeelaa
512. Arrin waa mid kugu soo booddiyo, mid kugu bariday
513. Waxaan calaf ahayn lama cuno waxaan cudur ahaynna loma dhinto
514. Dacartuba mar bay malab dhashaa
515. Dooro xaarka way wada cuntaa, af-tirashadeyse isku dhaantaa
516. Wiiq sakaaro iyo wey sokeeye midna kaama haraan
517. Geeri iyo geeddiba waa lagu kal tagaa
518. Geedba mar bey qolofi ka dhacdaa
519. Ninkii dhumaayo dhug ma leh
520. Qabri iyo qof loo wado lama kala qariyo
521. Dad waxaa yqaan nin tuugay iyo nin u taliyey
522. Gacan qaad baratay dhigta way dhibsataa
523. Ri' caano lisow ma diidi kartaa?
524. Ma xasuuste isma xabaalo
525. Ciyowga habeen dhawaaqay wax uu ka cawduu dareemay
526. Ciyigii waa ka beryey qofkii cunay baa ka liita
527. Qof illowsho badan mana abaal gudo mana aarsado
528. Labaatan jir lalama legdmao, lixdan jirna lalama garramo
529. Geeriyu nin aadan aqoonin iyo geeljiray ku roomntahay.
530. Geel-jire isagooy ushu u goantahay ayuu xaggeen ka goostaa ku yidhaa.
531. Tabcadaa ma tuugoobo.
532. tuug la qabtay talo ma laha.
533. Nin aan shaqaysanin shaah waa ka xaaraan.
534. Toddobada cadaabood iyo talo qoodha-casaa la simay.
535. Labaatan jir intuu geed ka booduu talo ka boodaa.
536. Af hadlaaba aamus.
437. illeen daaman nool ma daalaan, oo dad baan nahay kaama daayaan.
538. Madax muuqda iyo mindi saawira midna lagama samro.
539. Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha.
540. Allow nin aan wax ogayn ha cadaabin.
541. Badhi mag ma laha.
542. Maalinkii intay ishaada gaadhaa la hadlaa, habeenkiina inta gacantaada
gaadho.
543. Dhiig islaan ma qarsoomo.
544. Wax rag kaa galay rako kaa gale.
545. Gees lo'aad kulaylkaa lagu gooyaa.
546. War jiraaba cakaaruu iman.
547. Dameeraha ta ugu xun baa ugu haraati kulul.
548. Nin iyo naag is qaba colna ma aha nabadna ma aha.
549. Lixdan jir laguma helo qiimigaad laba jirkaa wayday.
550. Yaraan waa ciil laga koray.
551. Bari waaga mooyee wax san kama yimaadaan.
552. Hadday curaddii durdurisay aaran maxaad moodday.
553. Mareexaan ma ahee waa ma riixmaan.
554. Waa qaan marreexaan waa qaaxo kugu maqan.
555. Faras uu reer isaaq nacay iyo naag uu reer cabdille nacay midna abdo ma
leh.
556. Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha ku daaqdo.
557. Kuuryaan, kun xabbadood iyo konton jir ha la ogaado.
558. Toban jir ogaadeen waa looma taliyaan.
559. Beer wax dhalow ba'
560. Wixii xunba xaawaa leh
561. Rag walaal wuxuu ku dhaamo ma leh
562. Haddii aan jacayl jirin jaar lama ahaadeen
563. Habar dhali weydey aleelo ku waalatay.
564. Habar jir hayaa in lala qabay moodaa
565. Habari-korisay hore uma maro)
566. Habari curadkeeda cay uma quurto.
567. Habartii Awrka cirka aragtay oo dameerkeedii jarka ka tuurtay ha noqon
568. Naaguhu hoosiis bay hadh moodaan
569. Naagaha iyo carruurtaba sasabaa lagu wadaa
570. Naago ba'ooda ayey ka sheekeeyaan, ragna badhaadhohood
571. Naago yaryarasi ma le
572. Naagi ninkay legedo kama kacdo
573. Naago iyo riyaba diifta ayey isku eryoodaan
574. Naago nin ay yaqaaniin col ma moodaan
575. Naago nimaan maddaxooda maja u rogin nin ma moodaan
576. Naago jilayc iyo naxariis midna wax kuma laha
577. Naag la furay fadhi uma yaal
578. Naagtii caana xun dhigataa iyana ku murud la'
579. Naagi naag lala qabo waa u col
580. Naago abaal ha u gelin amaahse ha u diidin
581. Nin waa inta naaga ka hadha
582. Naago wax laga bixiyey laguma dhaqo oo wax loo hayaa lagu dhaqaa
583. Naago beena waa lagu soo xera geliyaa runa waa lagu dhaqaa
584. Naag god
|
|
|
|
NAPOLEON
|
585. Naag kun baa koodisa ,kow baana guursada
586. Waxaa la yiri:
naag ogaadeen waa naag
naag Majeerteen waa nacas
naag Dhulbahante waa naar
naag Warsangeli waa naf
587. Warsangeli wax noolba cun oo awrkii cirkana cid u diray
588. Majeerteenku wuxuu naagaha ugu tagaa naag danbe arki maysid,
Warsangeliguna wuxuu cuntada u cunaa cunta danbe arki maysid
589. Naag Ogaadeen waa sac oo barwaaqaday ku fiican tahay.
Naag Majeerteen waa qaalin geel ah oo waa soo meecaadaa oo ka soo
raysaa. Naag Mareexaan waa sagaaro oo ka soo rayn iyo ka soo darid midna
ma leh
590. Tol shiri waayey shaasho kama baxo.
591. Tol waa hal la qalay.
592. Tol waa nin qumman quwayntii iyo nin qalloocan qabashadiis.
593. Tol waa qobtol.
594. Tol waa tolanay.
595. Tol xeer lihi caydh ma leh.
596. Tolkaa eexa looguma taliyo.
597. Tolkaa taagtaa looguma taliyo.
598. Gadaal-gadaal geed looma koro
599. Xabaal iyo ninkeed loo kala teg noqotay
600. Qof meeli u caddahay meel baa ka madow
601. Laabi labo u la'
602. Beerka jecli, xaydha jecli
603. Rag waa talo keen ama waa talo raac
604. Gobannimo waa u dhalasho
605. Saddex nin midna lalama haasaawe tago
-Nin kaa qurux badan
-Nin kaa hadla badan
-Nin kaa dheeraya
606. Geed adayg ma janjeedhasado, wuuse jabaa
607. Dhaxal Goroyo Dhebed baa iska leh
608. Waraabe dhankii loo eryaaba waa u toos
609. Qofba meesha bugtaa isageey belbeshaa
610. Shimbirba shimbirkiisuu la duulaa
611. Waraabaa lagu yiri waraabow kabo ma laguu tolaa, markaasuu ku jawaabay
haddii kabo la ii tolo waa alxamdu lillaah haddii kalena rabbiol
caalamiin
612. Waraabaa lagu yiri waraabow foolxumidaa, markaasuu yiri maad aragtaan kan
iga yar ooy dhidar dhahaan
613. Aroos lagama raago, lagumana raago
614. Af aanad lahayn lama qabto
615. Af jooga looma adeego
616. Af macaan gacan macaan baa dhaanta
617. Adduunyo ka kabo li'id, aakhirana u salaad li'id
618. Beentaada hore, runtaada dambey dishaa
619. Oodi ab ka dhow
620. Belaayo guur bay ku tiraahdaa ama guurso
621. Carrab dalable ayaa la gartaa, uur dabanse lama garto
622. Caro walaal waa la bariiyaa (subax baa lala sugaa)
623. Daahdaahow hortiis dafo waaye (Arrin degdeg u baahan lagama daaho
sida heblaayo aad ogayd ooy hebel kala tegeen)
624. Dibi hooyo xumi korme ma noqdo
625. Dhubuq-dhubuq hore dhabanahays dambey leedahay
626. Dhoofaa kaa dhimay! (bal tan ka warran, ma run baa?)
627. Fuley xantiis ma mooga
628. Geed walba in gubtaa hoos taal
629. Geesi alla ma xilo
630. Gurbaan gacalkaa 'a kuu haayo, ama gacantaa 'a kuugu juro
631. Kal dad liq ah ul baa lagu dayaa
632. Gadaal ka gaar goob dumis waaye
633. Miidaamo dhega maleh hadduu malag dhawaaqaayo
634. Meel hoo u baahan hadal wax kama taro
635. Nin aad wax ku qarsan lahayd, waxlagama qarsado
636. Nin samraa sedkiis hela
637. Nimaan dantiisa aqoon maro duug ah horteeduu dhammaadaa
638. Biyo socdaa biyo fadhiya kiciya
639. Nin wayn oo hadal ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday
640. Nin tuur leh tab uu seexdo waa yaqaan
641. Nin waliba qumanihiisaa qoorta ugu jira
642. Nin aanad saacad ku baran, sannad kuma baratid
643. Oodo dhacameed siday u kala korreeyaan baa loo qaadaa
644. Rag muraadli'i meel waa maraa muraad li'ise meel uma fadhiyo
645. Rag gogoshiis waa godob la'aan
646. Sac ninkiisii saynta kaga fadhiyo ma kaco
647. Soo joog ninkii laga waayo, soo jiifsaa laga helaa
648. Soddohdaa waa lala hadlaa, wax xunse lama yiraahdo
649. Talo adigaa ku noole, iyadu kuguma noola
650. Togba taagtiisuu rogmadaa
651. Tuhun waa sed
652. Tuug la qabtay talo ma leh
653. Waayeel tag lama yiraahdo ee wuxuu ku tagaa la tusaa
654. Waysha gowrac dibigu ha ku quustee
655. Waano abuuris baa ka horreysay
656. Wax yari wax la'aan bay dhaantaa.
657. Soomaalidu been waa sheegtaa laakiin been ma mahmaahdo
658. Tukulush timir deeri waayi kharaara tuf in erre,
659. Dabagaale timir gaari waayey qaraara buu yiraahda'
660. Dhalaan dheelaa baradi,dhusuntaa far koo galiyee,
= Dhalaan(caruur,ilmo,ubad)ciyaarta bartay dabaduu far kagaliyaa,
661. Naar waaba galeey guudka eey hamaadnee,nr hooba galaso barta eey
liinargnee
= Hadaad naar galeeysid,fooddaadu yaaney muuqan,yaan lagu arkin,
662. Heeraa wan ma eh,
= hanbo,heraa cano ma aha,
663. Dudun dareen ii dugsasho inis ki dartooy,
= Dudun dareen iyo dugsasho,ha iskugudarin,
664. Mas ii dooro daris ma nagadi koraan
= Mas iyo digaag daris ma noqon karaan,
665. Madhayti ii moro gaabey lan malgaboo dagee,
= madhayto(magaalo magaceed) iyo mooragaabey (magaalo)nin maal
hanti,haystaa daga
666. Habar hadamo hartishee maka ekaadasoo,
= Naag hadimo nin keeda kuma ekaato,
667. Diidiink weelshee deymoodaa ka koriyee ma danbar manuujiyaaw,
= Diinku ubadkiisa eegmaduu ku koriyaa,
668. Caqli gaaliyo indho quraanjo lama arko,
669. Fartaadoo xumaata filq filiq kaagama hadho,
670. Nimaad taqaanid yaa tahay lama yiraahdo,
671. Iiisaan iiy lagdabe,
= Liisan iyo laqdabo,
672. Xamar xisaab, Xararr dheere xoog,
673. liis dilo leys aayaa koroon,
= In leys dilo, in leys caayo,baa ka wanaagsan,
674. Timirtii horeba dab loowaa,
675. Carab iyo ilkaa cid isugu dhaw iyana weeys qaniinaan,
676. Nimeey shantaadu kaa reebin shan aad dhashey iyo sharci toonna kaama
reebaan,
677. Hadal Nin badiyey ma wada oran, Nin yareyeyna kama wada tagin.
678. naagi nin yaraan ku koriyey iyo nin qaawiyey midna kama quustaan
679. naagi waa u samir ama waa ka samir.
680. inan rag hal uu kugu helo iyo hal uu kaa haysto labadaba leh.
681. Habar jeclo hadalka dibay u gocotaa
682. gudabiirsi makuu kaa sii socdona war buu kaa sii sidaa
markuu kuu soo socdona warbuu kuu soo sidaa.
683. Siinsi arooryo iyo hadal majeerteen midna lama hor kaco.
684. Iidoor sal fududaa wuxuu sugayo muu dhawro.
685. Daarood sawaabane si kasta ways ka yeelaa.
686. Ina Cabdulla Xasan wuxuu yidhi.
Boqol doqoniinay isku raacaan
Boqol waalibay isku raacday
Boqol hunguri bay isku raacday
Boqol dagaal bay isku raacday.
Boqol doqoniinay isku raacday oo waa ogaadeenka aan ka dhashay.
Boqol waalibay isku raacday oo waa reebtigay dhulbahante
Boqol hunguribay isku raacday oo waa xididkay Gadhxejis
Boqol dagaalbay isku raacday oo waa bah ayaydey Habar jeclo.
687. Xoog wax ma taree xeel baa lagu socdaa
688. Xoog hadduu faa'iido leeyahay maroodaa duurka la galay
689. dabaan kuleelkiisa la arag danbaskiisa lagama leexdo
690. Weel daloola wax ku shubo waa waalli
691. Ood jiidis iyo qaadis waa isla guri geyn
692. Casarkii wixii kugu dhacaa cishihii lagugu caayaa.
693. 114ka Qur'aankaan aqaannaa way fududdahay, waxaase adag yaa kaa
akhrisanaya.
694. Haddaan shan bilood ku sheegin, anigu ku sheegi maayo. (waxaa looga
jeedaa dumarka uurka leh oo aan la ogayn illaa ay calsoohu soo
baxdo marka shan bilood la gaaro)
695. Waynaadaa wanaagsanaada
696. Ninkii waydiinteeda kugu dhibo wadiddeedaa lagu dhibaa
697. Wadaad wacdigii wax i sii baa u danbaysa.
698. Ninkuu maalinka nabaddda dhididkiisu yaraaduu maalinka colaadda
dhiiggiisa bataa.
699. Soomaali markii far loo fidiyay shantaba fidsataa.
700. Laan-gaab waa ehelu-naar. (Cuqdadle)
701. Ninkii xoog laa xabagta goosta.
702. Qorigaad jabiso qarjaftiisa lagama naxo.
703. Kibirow kab iga tuur.
704. Xarragooy xus igu tuur.
705. Dad kaa badan iyo biyo kaa badanba way ku hanfiyaan.
706. Ban waraabiyo gaala baqataba baraa la helaa.
707. Amxaaro madax gumac galay leedahaye madax hadal galo ma laha.
708. Mala-duul wuu guulaystaa xin u duulse wuu guul darraystaa.
709. Haddaad dhimanaysid dhareerkaa layska duwaa.
710. Ayaydaa taag darran iyadoon tabar lahayn bay dadka isku taagtaagi
711. Wiil iyo aabihii waysku qolo!!
712. Nafi ninkii u roon raacday.
713. Naago iyo tayuubba jiifkaa wax lagaga helaa.
714. Dacas iyo dameeraba lama kala laha.
715. Cali noolba wax sii.
716. Bisqin rag bay kuu gaysaa ragse kaama celiso.
717. Intay laabi buki lahayd lugi ha bugto.
718. Nin wayn afkaada soo du lama dhaho.
719. Nin dhacan badhna ogol.
720. Nin ku aaminay ha khiyaanin.
721. Dhallaan dhargay fartaa loo lulaa. (way iska qoslayaan)
722. Nin walba meeshuu is dhiguu yaallaa.
723. Qaniinyaa qaniinyo kaa fujiso.
724. Balaayooy buulkaagaa laga galaa.
725. Balaayo laba qad ha kuu jirto.
726. Xaar qori dheer baa laysaga tiraa. (qudhun waa laga fogaadaa)
727. Yad fulay lagama kaco (Fuleygu wax ka dharbaaxo kulul)
728. Fuleygu wax ka ula badan.
729. Kaadi badane waa loo gogol badiyaa.
730. Rag iyo riyo aamusayba ku daaye.
731. Nin geed kaa qariyay geerina u dhaw.
732. Colkaa ma dhamaadee ka kuu xigo ha u danbeeyo.
733. Hasha iyadaa geela cunaysa iyadaana cabaadaysa.
734. War hashu maankay gaddee ma masaar bay liqday.
735. Naago badan guursi gablan kaama celiyo.
736. Reer aan geel ku soo ololin ama aan gaadhi ku soo guuxin gaajo kama
baxo.
737. Nin walba intuu cunuu ciidamiyaa.
738. Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).
739. Aqoon xumo abaar ka daran. (qorsho xumo abaar ka daran)
740. I arka i arka i qariya i qariyaa ka danbaysa.
741. Waxaad barataa waa baaskaa.
742. Habar karis xun iyadana ku kaal la'
743. Qaybshaa qad ama qoodha buurraa.
744. Xoolo ninkii lahaa kama hadhaan.
745. Ilma adeer ama is xamatay ama is xabaashay.
746. Habar-korisay iyo alla kaa qaad koodee daran.
747. Haddaad amaan rabto waa la dhintaa, haddaad cay rabtana waa la aroosaa.
748. Naaguhu waa dhallaan raad wayn.
749. Rag lama careeyo.
750. Lama canaantaa caanihii daadiyay.
751. Nin aan dhulka meel ku lahayn cirka meel kuma laha.
752. Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal.
753. Nin kaa hadal badan xumaan iyo samaba wuu kaaga hor maraa.
754. Saddex reerkaaday u darantahay
a- cir wayni.
b- caaadh wayni
c- cag wayni.
755. Doqon dib bay wax ka garataa.
756. Laba beelood hadday wada dagaan labadooda beenaalaa isugu hor barata.
757. Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki.
758. Nin gu' kaa wayn gu baas kaa wayn.
759. Gu' waa geed laga booday.
760. Wax kuu daranba wax baa kaaga sii daran.
762. Dhool bari ka soo kacaa dhaan loo nageeyaa.
763. Dhaxal gorayo dhabad baa leh.
764. Gafuur cadho ninkiisuu ku yaallaa.
765. Nin carooday cayaar laga badi
766. Qof buka boqol u talisay.
767. Nin dabaal yaqaano lafihiisa ma shiidaan (ma quusaan)
768. Ninkii qayrki loo xiirayo adna soo qoyso.
769. Quudhsataa kaa qoodha wayn.
770. Rag lama quudhsado.
771. Waxaad qarsatana ma qaaxaa.
772. Hadal intuu afka ku jiruu ammaan yahay.
773. Reer aan ruux u waalanin qosol kama dhargo.
774. Dabada iiga qor anigaa durugsan doonee (Ma dhiirrado nin aan garab wax
lagula dhisayni)
775. Wax lagu talo xumaysto guur baa u wacan.
776. Ninkii guumays(doob) geed ka furaa gabadhiisuu geed ku xidhaa.
777. Wax rag kaa galay rako kaa gale.
778. Walaalkaa oon dhiman oon dheeraan dhaxal macaanaa.
779. Dhallaan qayladii waa qaboonada.
780. Xabaal qori saar mooyee qori ka qaad ma laha.
781. Waado lama hadhsado, waynaato lama guursado, war lalama siico.
782. War ma ciddi hoosteed baa lagaa hayaa mise ciil sokeeyaad qabtaa.
(labaduba wax ka calool xumo badan)
783. Caruur gaalana ma aha muslinna ma aha ee waa kii lagu daraa.
784. Meel ay caruur iyo naago kugu cay barteen joogis kuuma leh.
785. Martidu iyadaa kala naxda
786. Dawarsato dariiqay ku collowdaa.
787. Walaalo is nacay way xoolo yareeyaan wayna xabaalo badiyaan.
788. Doqon qaddar alla taqaanna qulucdaada looma dhiibto.
789. Tani waa qudhac-dheer wallee adi unbanaa ka higlayn
790. Ninkii roon baa reerka u hara
791. Afar layskuma daro:
Waan guuri
Waan guursan
Geel baan qaadi
Geenyaan gadan
792. Geel-jire geela waana wada jiraa waana kala jiraa.
793. Bartii yaqaannbar xoolaad kuma korodho
794. Baruuro sabool, badhaadhaa leh
795. Ballaysin bir ka adag
796. Baadi nin aan lahayn bay agjoogtaa
797. Baruur qudhuntay baa baruuro badan qudhmisa
798. Biyo meel godan bay isugu tagaan
799. Basari buulkeeda bayaayo waaye
800. Buur caws ah oo biyo ku agyaal baadi doonyoo biciidkuba waa
801. Been fakatay runi ma gaadho
802. Beentaada hore, runtaada danbey u daran tahay
803. Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa
804. Talo waa mar aad garan weydid iyo mar aad gaari weydid
805. Intaadan falin ka fiirso
806. Togba taagtii buu rogmadaa
807. Toogo meel bay kaa riddaa
808. Tagto daayoo timaaddo ogow (Wixii tegey illow, waxa soo socda eeg)
809. Tuhun waa sed
810. Jiljileec looma dhinto, ad-adaygna laguma waaro
811. Jiilaal waa ninkii haye
812. Jiilaal iyo ninkii way legdamaan, hadba kii ay naagtu raacdo ayaa
adkaada
813. Xabaal waalid baa xoolo lagala baxaa ( talo waalid waa sed), waxay
kaloo noqon kartaa dhaxalka marka waalidku dhinto.
814. Xaajo dhanna waa ka xusul, dhanna waa ka taako
815. Xantaada xiinkeedaa kuu baxa (dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa)
816. Xeer waa negaadi (Bulsho xeer iyo sharci leh ayaa neg oo nabad ah)
817. Xadhko geel ma wada xiraan
818. Xoolahaagu ama xerada ha kuugu jiraan ama xeer ha kaaga maqnaadaan
819. Xoolo quudheed waa la qaataa, cunto quudheedse lama cuno
820. Xalaal iftiin baa la qashaa, xaaraanna waa lala dhuuntaa
821. Xaajo nin aan ogeyni indhuhuu ka ridaa
822. Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin
823. Xaar haddaad Cunaysid fandhaalkiisaa la samaystaa (ceebta waa la
qarsdaa)
824. Haddaad hungurooto waa la hadlaa hab baa la dhisaa wax lagu helo
825. Doqoni sokeeye ma aha
826. Doqon ha u gargaarin hana gargaarsan
827. Doqoni waxay leedahay laba iyo toban indhood, hal mid waxay ku aragtaa
shisheeyaha, kow iyo tobanna waxay ku aragtaa sokeeyaha
828. Doqoni meeshii la isku diriray uun bay ogeyd, meeshii lagu heshiiye se
ma oga
829. Dardaaran caweysin kallah arooryaad buu leeyahay (Arrin la qorsheeyey
meel laga bilaaboayey leedahay)
830. Darandoorriyaaba naas-naasi (Nin ordaaba istaag)
831. Dixrigu(duqsigu) dantiisuu qudhunka ugu jiraa
832. Dameertu geel-didiska khuruf-khuruftay kaga dartay
833. Doqoni haddii nla xifaaltamo in la is diriray bay mooddaa
834. Dad wax yar tare ma ahee, wax ma tare ma leh
835. Durduro geel baa ku jaba
836. Dacawadii tallaabada nebiga ku dayatay, teediina ka tagtay tu kalena
gaari weydey
837. Durduro waxarood xanan(qodax) bay kula gashaa
838. Dibi hooyo xumi hore uma koro
839. Dadku hadalkay isku afgartaan xooluhuna urta
840. Dabalaay gooji ama ha goojin geela gu'ga dhalay uun baa lagugu tirin
841. Doqoni xarigga lagu xiri xusulladay ku sidataa
842. Dameeraha Adari qofkii oodda ka qaadaa aroorsa
843. Doqoni hoosiis bay had mooddaa
844. Doqonkii lumay oo la soo helay wuxuu yiri; "Maxaa la iiga farxi berriba
waan lumiye"
845. Dumaal ni ka xishooday kama ilmo dhalo
846. Dad iyo weel godanba waa la badsadaa (weelka godan biyahaa ku urura)
847. Dan iyo xarrago is weyday
848. Dabeecaddu diinta waa ka badh
849. Dabeecad xuma dad kaa saartay
850. Riyuhu hadday dib leeyihiin dabadooday ku qarin lahaayeen (nin tiisaba
daryeelaa tu kale ku dara)
851. Rabbi yi rag baa jira
852. Rag is galay kala gallad la'
853. Riyo lugohoodaa shalow ku rida (socod badno jar bay kaa riddaa)
854. Runtu ragga ma dishee way ka nixisaa
855. Rag lama maleeyo
856. Nin weyn wax lama weyddiiyee nin wax yaqaan baa la weyddiiyaa (Waxay
baxday markii Wiil-Waal yaraanta taladii looga reebay)
857. Ragannimo meel cidhiidhi ah bay ku jirtaa
858. Ragannimo dantaa moogi bay ku jirtaa
859. Raqba waa raggeeda
860. Ruqe (awr) ninkii lahaa dabada jiidayaa ma kaco
861. Rag muraad li'i meel wuu maraa, muraad li'ise meel uma fadhiyo
862. Reerkaan doonay roob igu eri
863. Rag gogoshiis waa godob la'aan
864. Saddex saddex lagama daayo
Rag shir lagama daayo
Adhi shidho laga daayo
Lo'na barqo lagana daayo
865. Samraa sedkii hela
866. Sir ma qabe Allaa u sahan ah
867. Sir-low ma hodmo (ma guuleysto)
868. Sagaaro xaar muuqday aas-aastaa (Waxaan qwarsoomayn lama qariyo)
869. Saaxiibkaa ama kuu sahan ahaa ama kuu saban ahaa
870. Sahal oo madax diiday wax hayaa ma sahlana (waa nin diiday inuu sameeyo
wax lagu yiqiin)
871. Eygii oo laf diiday ma noola
872. Soddoh waa lala hadlaa, wax xunse lama yiraahdo
873. Sagaaro iyo bud in yar baa laysla helaa ( qof siduu u gabado yaqaan
lama dakhro lamana dilo)
874. Sibraar sahay ma aha
875. Shimbiri maalin bay dab qaadday maalintiina buulkii hooyadeed bay
gubtay
876. Shan nin oo marti-qayb leh shanshaa ka go'da (Dadkii si fiican wax u
qaybsada wax kasta way ku fillaadaan waxna wayba ka haraan)
877. Dhac dushii laguma wada hadlo
878. Dhiil maran iyo dhiil buuxa la iskuma dhufto (Wax aan isu qalmi la isma
dhaafsado)
879. Dhoofaa kaa dhimay
880. Dhuumashada dhabarku muqdo dhuumasho ma aha
881. Dhicisku inta mindida loo soo siduu bakhtiyaa
882. Dheg haddii la jaro daloolkaa hara
883. Caano yar iyo ciidan yarba marka la waayo ayaa la tebaa
884. Cadho walaal waa la bariyaa (waa loo dulqaataa walaalkaa)
885. Ciise socod kuma laabna, abeesona samir kuma laabna
886. Col hortii baa hub la samaystaa
887. Col ku galay cabsi kugu reeb
888. Culimo dad u eki bay kugu dishaa, abeesona dhul u eki
889. Col naago ka kacay iyo cadho nirig ka kcday midna ma sahal kuma
qaboobo
890. Cudud caano gaabsheen cagaar ma korsho
891. Caleen qudhac calool geel ma buuxiso
892. Canaan ka yaab ceesaan ma doojo(waa lagu canaanan dantaada looma seego)
893. Calool rag waa webi xagaa
894. Carrab dalab leh waa la gartaa, uur dadbanse lama garto
895. Ceesaan ninkii weyddiinteda kugu dhiba kaxaynteedaa lagu dhibaa
896. Ceesaantii arigeeda diidda orgi shisheeyaa saarta (fuula, u baxa ama
ka qabsada)
897. Casaan qurux kama qatana
898. Geeljire ka caaqnee buu ku caano waayaa
899. Gar-diid waa alla diid
900. Gar waa loo wada islaam
901. Garawsho waa sad waayeel
902. Geel geel weydaartey geedo la'aan dheh
903. Geel nabar gaadmuu ku gagabaa
904. Gaashaanqaad ma habaabo
905. Giir lo�aad iyo girrid mocooyo, midna lagama hungoobo
906. Geeriyey maxaad tartaa?, nin meel waayey baan meel u banneeyaa
907. Faras waa ku joog ama ka joog
908. Fuley xantii ma mooga
909. Farihii dufan laa wax duuga
910. Fuulmo wa fara ku hayn
911. Faq kastaa fagaaruhuu yimaadaa
912. Faras aanad lahayn fuulmadiisa futa-ruqruq baa laga qaadaa
913. Qatanaan reer waa loo galaa, qaawanaanse reer loolama galo
914. Qaydhiin iyo bisayl waxaa u dhaxaya waa yacyacood
915. Qoodhi qardhabo iskama deyso
916. Qandi uu ku rito iyo qiil uu ku bannaystaba wadaad baa leh
917. Kor waayeel waa wada indho
918. Kub waayeel kuftini waa u dhib
919. Karis xuma iyaduba ku qatan
920. Keli cune keli buu dhintaa
922. Go'id iyo laad-laadasho go'id baa khayr roon
923. Kas dumar oo kadaloob rag kaaga danbeeyey, kaad ogeydba ma aha
924. Laxiba naysheed wadatay
925. Luqun dheeraatay madax ma dhaafo
926. Layligu biyaha uurkiisa ku jira ayuu ka didaa
927. Laba tallaabo dhexdood bay talo ka dhalataa
928. Laba sakaaro didmo mooyee ciidan isma taraan
929. Laab la kace lugana kuma joogo
930. Laba ceebood taadaa la jirtaa
931. Laba kasta la isa saar laba tagoogose la isma saarin
932. Lo'du intay cidla ku geyso ayey weliba kugu cidaa
933. Libaax laba raqood lagama wada kiciyo
934. Libin rag kaaga danbeeyo libib ma aha
935. Liibaan adduunyo ninna ma laasto
936. Laba bidde beerkay iska ogyihiin
937. Lo' iyo dumarba diiftay isku eryadaan
938. Laba sir ku heshiisey caadkay ku diriraan
939. Wad laba walaalo ahba kala qaad
940. Laxiba leggeed bay xaadhataa
941. Manfac haddii lagu siiyo, murdiye lama noqdo
942. Min haddaad gasho meelo daydaye lama noqdo
943. Madax aadan lahayn miyirkiisa laysma saaro
944. Magaalo qayrkaana u cay adiguna ha deynin
945. Marti loo qalay in lala qabay mooddaa
946. Marti iyo maydba waa la muquunshaa
947. Meel aadan seexan doonin laguma luloodo
948. Marti nin ka yar iyo muddo maalin ka yar midna lama arag
949. Matag meel kuguma simo
950. Muraadka magaalo kaa gala muraayad baa kaa xigta
951. Maska madaxaa laga dilaa
952. Mas abur buu dhalaa, aburkuna mas buu dhalaa
953. Mudduci markhaati leh ayaan maankay ka waayey
954. Meel bugta maaweelo ma bogsiiso
955. Mabaad lulanine maxaad leeftaa
956. Meel Aar ka kacay buu Atoor fadh-fadhiistaa
957. Macal cune muuqan doonee
958. Nin aan qooq dilin maroodi ma dilo
959. Nin yari waa gurigii hooyadiis buu joogaa
960. Nin yari waa nin ban soo ordaya
961. Nin walba ceesaantii cell gey
962. Nin af leh ayaa abaar ka baxa
963. Ninna maankii ma saluugo
964. Qof kasta qummanihisaa qoorta ugu jira
965. Nin loo tumay looma talin
966. Nin geelisii la qaaday, ayaan daranow mooyee orod daranow lama yiraahdo
967. Nin durbaan tuntay ilaaq dalbey
968. Ninna korkiisa biyo kama dhowro
969. Ninba ceesaantii ceel gey
970. Nin gunti xumi inuu wax qarsanayaa la moodaa
971. Nin iyo naagtii, colna ma aha nabadna ma aha
972. Nin aan weedhaada sugini warankaaga ma sugo
973. Nin la tolay ayey talo joogtaa
974. Nin aan dhul marini dhaayo ma leh
975. Nin guursadey xuunshana xoolo mood
976. Nin lagu seexdow ha seexan
977. Nin geeliisii la qaaday, waax oggol, faladh oggol, oo fara madhnaanna
ogoll
978. Ninkii xarrago doonayow Xamaro a-joog, kii xoolo doonayow Xamaro
ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog
979. Nin gaaban geed ciil
980. Nin weyn oo hadal ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday
981. Naag la furay fadhina uma yaal, ninkeediina fadqalalow
982. Wixii dooxan daad ha qaado, wixii daatana dabayli ha qaaddo
983. Wax aanad heli karin wax aanad doonayn baa laga dhigaa
984. Deriskaaskaa marna ku dayo marna ku diin
985. Hadal run ba lagu caddeeyaa ilkana rumay
986. Waran kugu soo noqon doona lama rido
987. Waano iyo abuur abuur baa horreysey
988. Wax walaal loo diiday wed baa leh
989. Wixii umusha u dan ah ayaa Ilmahana u dan ah
990. Wixii indho arkaan baa ilko gooyaan
991. Waraabe ama geed hay ama geel hay
992. Waraabe ciilna ha u qabin calalna ha u tuurin
993. Waxay sheegato ha weydee waa lagu shareeraa
994. Hadal iyo hilib midna yaan lagaaga horreyn
995. Hadal waa murti iyo Yoon-Yoon
996. Hadal waa kun iyo kow
997. Hadal iyo hilibba waa la kala qalaa
998. Hadal af dhaafay afaaf dhaaf
999. Hadal markhaati leh, iyo hilbo mindi le midna laguma mergado
**1000** Waxaad ka hari weydid ama waa la helaa ama waa loo hoogaa ********
1001. Hadal run kama raysto
1002. Hadday hammaddaadu been kuu sheegto taagtaadaa kuu run sheegta
1003. Hansi gabdheed iyo habaar waalid mdina kaama hadho
1004. Hal laba midigle uleeyey dhanna uma bid qabto
1005. Hadalba meeshiisaa lagu tagaa
1006. Hurdo habarba korin weydee maanay hilbo isiin
1007. Aar qoyey dacawo la mood
1008. Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo
1009. Adhi-jiri ma kala abaal weydo
1010. Afxumo nabadna kaa wadday, colaadna wax kaagama tarto
1011. Af jooga looma adeego
1012. Af aanad lahayn lama qabto
1013. Af aamusani marti ma sedo
1014. Arrimo rag waa mudacyo afkood
1015. Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun
1016. Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa
1017. Aqal libaax lafo lagam waayo
1018. Arrin kaa tagtat Ahaa sooma celiso
1019. Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro
1020. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo
dhakhsadana xoolaa leh.
1021. Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh
1022. Eydin geel kolba waa kolba ninkii ku danbeeya
1023. Ey is cunaysaa waraabe iskama celiso
1024. Ili ayaan badanaa agteeduna ayaan daranaa
1025. Meel hal lagu qalay mana hadal yara mana hilib yara.
1026. Yaa geesoole geel baray.
1027. Labay xeeshaa, labay xaalkaa.
1028. Geel duqdiisu durdurisay, aarankiisa maxaad ka filaysaa.
1029. . Cali Geri waa caydh iyo ciil ku kor.
1030. Waxay na badeen waxay na bareen baa ka siid daran.
1031. Hoosiis hadh noqon waa.
1032. Caqli:
Dugaag, sankuu ka galay.
Xoolo, sankuu ka galay.
Rag, xabadkuu ka galay.
Naago, indhuu ka galay.
1033. Naagi hadalkaaga ha maqasho, hambadaadana ha kuu dhigto.
1034. Nimaan Naanays lahayn, waa ri' gees la'.
1035. Bililiqo doon waa nabad diid.
1036. Maalintii oday oday baa loo shiraa, habeenkiina habar habar.
1037. Barrooriba buulkeeday ku hartaa.
1038. Saddex col baa jira: col cas, col madow, col cad.
1039. Biyo ay horotood dhooqo tahay, dabadooda maxaad mooday.
1040. Dhaliili dhaban bay ku taal.
1041. Barasho horteed dad ha nicin
1042. Nin duulay dantii kaa og
1043. Lama huraan waa cawska jiilaal
1044. Geel darreeray nin ka darshay, ma awliya Allaa
1045. Soomaali ma kala adka
1046. Qabiilna qabill kale ma tirtiro
|
|
|
|